Daawo Galayr: Nooma cuntami doonto in Puntland ay ka taliso gobollada SSC

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha Khaatumo State Cali Khaliif Galayr oo bixiyey wareysigii ugu horreeyey oo muuqal ah tan iyo markii xilka loo doortay ayaa si dheer ugu hadlay qabka hoggaamined ee maamulka Khaatumo.

Cali Khaliif Galayr waxaa uu sheegay inuu dadaal ku bixin doono sidii maamulka Khaatumo uu u dhismi lahaa, isagoona inta raaciyey inuu dhawaan soo dhameystiri doono golahayasha maamulka ee Khaatumo.

Siyaasada gobollada SSC

Galayr oo ka hadlayey qabka uu ku wajahayo deegaannada maamulka Khaatumo ee ay ku muransan-yihiin Puntland iyo Soomaaliland, waxuu sheegay inay isku howli doonan sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen Khaatumo magaalada Laascaanood oo ay Soomaaliland ka taliso.

“Maamulku waxaa isku howli doona sidii deegaannada loo gaari laha,hadda Taleex baa si KMG ah u ah magaalo madax,balse qorshuhu waxaa uu yahay inuu maamulku gaaro Laascaanood” ayuu yiri madaxweynaha Khaatumo.

Cali Khaliif Galayr oo arrimo badan ka hadlayey waxuu sheegay inay wada-hadallo la gali doonan Soomaaliland iyo Puntland, waxuuna caddeeyey in Puntland ay la bilaabeen wada-hadallo.

“Ma noo cuntami doonto Puntland inay maamusho gobollada Sool, Saanag iyo Ceyn, balse wada-hdal ayaan kula jirnaa, Soomaaliland waan la furi doonaa,”ayuu raaciyey hadalkiisa,Galayr.

Arrimaha kale ee u ka hadlay waxaa ka mid ahaa, qaabka ay noqon doonto xukuumadda uu soo dhisayo, shirarkii uu ku qaatay degmada Burtinle oo gobolka Nugaal ka tirsan.

Hoos ka daawo wareysiga Cali Khaliif Galayr

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com