XOG: R/W Cabdi Weli & Gaas oo kullan qarsoodi ah ku yeelanaya Addis-Ababa

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in kulan aan horey loo shaacin uu magaalada Addis-Ababa ku dhexmarayo Ra’isal wasaaraha dowlada Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmad iyo hoggaamiyaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

Tani waxa ay ka dhiggan tahay is-beddel ku yimid mowqifka ra’iisul wasaaraha oo xafiiskiisa maalmo ka hor uu sheegay inuu diiday inuu Puntland kula hadlo magaalada Addis-Ababa.

Ra’iisal Wasaaraha Somalia ayaa soo gaarey magaalada Addis Ababa kadib markii uu kasoo duuley magaalada Nairobi ee wadanka Kenya, halkaas oo uu booqasho ku joogey maalmahii lasoo dhaafey. Lama oga qodobada ay kawada hadlayaan labadaan mas’uul, balse warar aan la xaqiijin ayaa warsidahaan u sheegay in wadahadalkooda uu diirada saarayo xiriirka go’an ee labada dhinac iyo arrimo la xiriira shidaalka.

Sidoo kale waxaan cadeyn in wada hadalkaan dowlada Ethiopia qayb ka tahay iyo wadamada ku bahoobey urur goboleedka IGAD.
Cabdi Weli Gaas ayaa markii uu ka dhoofayey magaalada Garoowe aan shaacin inuu magaalada Addis-Ababa kula kulmayo Ra’isal Wasaaraha Somalia iyo xubno ka tirsan Wasiiradiisa xili asbuucyadii lasoo dhaafey go’aamo kasoo baxey Madaxtooyada Garoowe lagu sheegay inay xiriirka ka jarteen DF.

Dowlada Puntland ayaa bishaan 20 August, 2014 go’aan ka soo saartey kulan wadtashi oo ay la qaateen Xildhibanada dowlada Federaalka iyo kuwa Puntland qaabka loo marayo wadahadal mutaqbalka dhexmari kara labada dhinac.

Dhinaca kale Wasiirka Koowaad ee dowlada Federaalka waxaa ku weheliya safarkiisa wasiirkiisa qorsheynta Siciid Cabdullahi Dani iyadoo la filayo kulankaan inuu qaadan doono saacado badan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay inaan lagu war-gelin wada-hadalka ra’iisul wasaarihiisa iyo Cabdi Weli Gaas.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com