Suuqa ugu weyn Soomaaliya oo xiran

Muqdisho (Caasimada Online) – Wariye Caasimada Online ka tirsan ayaa soo sheegaya in maalintii labaad uu xiran yahay suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, kaddib markii ganacsatada ay ku dhaqaaqeyn shaqo joojin guud taasoo daba socota cabashooyin ay ka muujiyeen lacago baad ah oo ay sheegeyn inay ka qaadaan ciidamada dowladda.

Xirnaanshiyaha suuqa ayaa saameyn ku yeeshay dadkii suuqa u soo dukaameysi tagi jiray kuwaasoo la’ meel ay wax ka iibsadaan.

Haddaba qaar ka mid ah golaha wasiiradda xukuumadda, rugta ganacsiga Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin maamulka gobalka Banaadir ka tirsan ayaa xaley kulan degdeg ah yeeshay, waxaana ay soo saareyn qoddobo dhowr ah oo ay ka mid tahay in la joojiyo handadaada lagu hayo ganacsatada suuqa bakaaraha balse loo baahan yahay in la bixiyo lacagta canshuurta.

Kulanka waxaa shir guddoominaayay ku-simaha ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, ahna wasiirka diinta iyo awqaafta Ridwaan Xirsi Maxamed, waxaana ka soo baxay dhowr qoddob oo ay ka mid tahay in la sugo ammaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed ku ganacsada suuqa bakaaraha isla markaana ganacsatada ay bixiyaan lacagta canshuurta.

Waxaa soo baxaysa warar sheegaya in lacagta canshuuraha ee laga qaado suuqa bakaaraha ay ku dhacdo jeeb gaar ah sidda ay lee yihiin ganacsatada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com