R/W Cabdi Weli oo maanta booqanaya magaalo laba maamul ay isku hayaan

Baydhabo (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo hadda socdaal shaqo ku jooga dalka Kenya ayaa la filayaa in uu maanta oo Isniin ah booqdo magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Ilo wareedyo xafiiska ra’iisal wasaaraha ku sugan ayaa u sheegay Caasimada Online in wafdiga raysal wasaaraha ay ku jiraan xubno uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha iyo fedaraalka, Cabdullaahi Goodax.

Ujeedka wafdiga ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay in ay dhammeestiran dedaalo ay wadaan guddiga maamul u sameeynta koonfur galbeed ee seddaxda gobal kuwaasoo hadda iyana Baydhabo ku sugan.

Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay inta uu joogo Baydhabo in uu kulamo la yeelan doono labada dhinac ee isku heesta magaalada kuwaasoo kala sheeganaya labo maamul.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana laga soo billaabo garoonka diyaaradaha iyo goobta ay daggayaan wafdiga ra’iisal wasaaraha waxaa ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Faah-faahinta warkan kala soco boggeena Caasimada Online