Farax C/qaadir oo isbeddelo cusub ku dhowaaqay, ujeedkana ku sheegay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka caddaaladda iyoa arrimaha dastuurka xukuumadda federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa shaaciyey in xaalad kala guur ah uu marayo garsoorka dalka, iyadoo ay dhacaan isbeddello lagu sameynayo hay’adaha garsoorka.

Wasiirka oo marti u ahaa maanta Barnaamijka Bandhigga Barbaarta ee Bar-kulan ayaa sheegay in ay hirgelineyso isbeddallada lagu sameynayo dhaqan-gelinta sharciga adeegga garsoorka, shaqo gelinta guddiga garsoorka dalka, hagaajinta nidaamka iyo shuruucda xabsiyada dhexe iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya hay’adaha garsoorka ee gobollada dalka.

Faarax ayaa sheegay in isbeddelladan looga gol leeyahay in la soo celiyo sharci caddaaladeed oo buuxa oo Soomaaliya ay leedahay, kaasoo si ku dhisan caddaalad iyo hufnaan ugu adeegga shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka oo wax laga weydiiyey in dad badan oo Soomaaliyeed ay tabanayaan caddaalad darro iyo sida wasaaraddiisu ay wax uga qabaneyso arrimahaas ayaa sheegay in tabashooyinkaas ay intii karaankooda ah wax ka qabanayaan, dadkana looga baahan yahay in ay wajahaan hay’daha garsoorka ee khuseyso kiisaskooda.

Mar uu ka hadlay musuaq-maasuq iyo qaadashada laaluush ayuu wasiirku sheegay in ay dambi tahay sameynta musuq-maasuq, isagoo xusay in qofka qaatay laaluushka iyo kan bixiyey labaduba ay ku xadgudbeen sharciga, laguna qaadi karo fal dambiyeed.

Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa hoosta ka xariiqay in cabashooyinka garsoorayaasha u shaqeeyo wasaaradda caddaaladda ee la xiriira mushaar yari, ammaankooda oo aan wanaagsaneyn iyo duruufaha ay ku shaqeeyaan oo adag ay wax ka qaban doonaan, isagoo carrabaabay in cabasho kasta aanan lala tacaali karin, balse wixii ay awoodaan ay xalin doonaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com