XOG: Gudoomiyayaasha degmooyinka oo ka cabanaaya arrin la yaab badan

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa ka cabanaaya Mushaar la’aan kasoo food-saartay dhanka Mamaulka Gobolka.

Guddoomiyayaasha ayaa sheegaya in wax dhaqaale ah uusan weli kasoo gaarin dhanka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Mungaab, waxa ayna Tilmaamayaan in dhaqdhaqaaqyadooda la xadiday kadib markii uu batay Khilaafyada ka dhex taagan Degmooyinka.

Sidoo kale, Guddoomiyayaasha ayaa ka cabanaaya Maamul xumi weli ka dhex taagan Degmooyinka, iyagoona Tilmaamay in goobaha Ganacsiga Degmooyinka ay Canshuurada ka aruursadaan Ciidamo aan Degmooyinka u xisaabsaneyn kuwaasi oo la shaqeyn jiray Guddoomiyayaashii hore ee xilka laga qaaday.

Ciidamada taabacsan Guddoomiyayaashi hore ayaa waxa ay suuqa galaan xili hore iyagoona halkaasi ka qaata Canshuuraha, halka Ciidamada Degmooyinka ugu magacaaban Cabshuurada ay halkaasi gaaran wakhti aan munaasab aheyn oo la uruuriyay Cabshuurta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Mungaab ayaa isagu wax ka qaban la Dacwado kaga imaada dhanka Maamulada Degmooyinka, Hayeeshee nasiib daro uusan weli wax talaabo ah ka qaadin Guddoomiyayaashii hore ee iyagu ilaa iyo iminka ka dhex adeeganaaya Goobaha ganacsi.

Dhanka kale, waxaa weli shaqeyn la  Nidaamka Maamulka Gobolka Banaadir sida Amniga, Canshuurada iyo soo celinta bilicda Magaalada wallow ay taasi oo idil caqabad ku yihiin Guddoomiyayaashii hore oo weli amarkooda shaqeynaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com