Xog: Maxay tahay sababta xilka looga qaaday taliye Jeneral Cali Gaab?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyihii Ciidamada Nabadgalyadda Wadooyinka ee Taraafiko, Jen Cali Xirsi (Cali Gaab) ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay, saddex bil kaddib markii xilkaas dib loogu magacaabay.

Wararka ayaa sheegayo in Taliyaha Xilka looga qaaday Taleefoon, taasoo ah dhaqan ku cusub Habka Dawliga. iyadoona Gen Saacid-Taliyaha Booliska Soomaaliyeed uu Taleefoonka ugu sheegay Cali Gaab inuu xilka ka qaaday xilli uu ku guda jiray Hawlo Kormeer oo uu ku samaynayay Wadooyinka Muqdisho.

Maxay tahay Sababta looga qaaday Xilka?

Sida ay noo xaqiijiyeen dad aad ugu dhow dhow Cali Gaab, xilka qaadistaan ayaa sabab u ah qaabka loo maamulayo lacagta soo gasho xafiiska Ciidamada Nabadgalyadda Wadooyinka ee Taraafiko, wuxuuna Taliye Saacid isku dayey inuu si hanjabaad ah Cali Gaab uga qaado lacago baad ah, taasoo keentay inuu Cali Gaab diido.

SIdoo kale war midkaas ka duwan oo soo baxay ayaa sheegayo in  Gen Cali Gaab xilka looga qaaday Waraysi uu siiyay Iddaacada Dalsan ee Muqdisho, kaasoo uu kaga hadlay Shilalka ay gaystaan Gaadiidka AMISOM iyo khasaaraha ka dhashay. Wuxuuna Waraysigaas ku sheegay Taliyuhu in AMISOM aysan mararka qaarkood ka baxsadaan Goob ay Shilka ka gaystaan.

Jen, Cali Gaab waxa uu Waraysigaasi ku sheegay in Ciidamada AMISOM ay afartii sano ee u dambeysay geysteen illaa shan boqol Shil oo sababay dhimasho iyo dhaawac, kuwaasoo aanay ka bixin wax magdhaw ah.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com