Warar is khilaafsan oo kasoo baxayo sababta keentay in la rukhseeyo ciidamo ka tirsan gaashaan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa Caasimadda u sheegay in la ruqseeyay qaar ka mid ah Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan.

Ciidanka Gaashaan ayaa ka tirsan hay’ada NISA waxaana qeyb ka mid ah Ciidamada fuliya Howlgalada gaarka ah loono diro meelaha ay qatarta ah oo ay ka guul gaari waayaan Ciidanka kale ee Soomaalida.

Askartan la ruqseeyay ayaa gaaraya illaa kontameeyo askari, iyadoo warar is khilaafsan ay ka soo baxayaan sababaha loo ruqseeyay.

Warar laga helay Ilo kala duwan ayaa sheegaya inuu isku dhac dhex maray ciidamadan iyo mas’uuliyiinta shirkad Mareykan ah ee gacanta ku heysay ciidamadan, kaasoo ku saabsanaa dhanka awaamiirta.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya inuu khilaaf ka dhashay qalab ciidan oo la sheegay in lagala baxay Xerada ay degenaayeen ciidamadan sida gaarka u tababaran ee Soomaalida ah, taasoo keentay in askar dhowr ah la ruqseeyo, sidoo kalena ay ka caroodaan tiro askar kale.

Ciidamadan ayaa markii dambe xerada isaga soo baxay, iyagoo tagay Xarunta Taliska Nabadsugida, halkaasoo la sheegay inuu ku qaabilay Taliyaha NISA Sanbaloolshe.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com