Xubno ka tirsan isbadal doonka Jubaland iyo Axmed Madoobe oo kulan la isku fahmi waayey ku yeeshay Kismaayo

Kismaayo (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo ka furmay kulan ay yeesheen Xubno ka tirsan isbadal doonka Jubbaland ee mucaaradsan Axmed Madoobe iyo madaxweynaha Jubblanad oo dalbaday   inay arimaha dajiyaan oo ay wadahadlaan,

Isbadal doonka ayaa wada qorshe ay Axmed Madoobe ugu sheegayaan inuu ku fashilmay dowladnimada jubbaland, wuxuuna ka dalbaday isbadal doonka in la siiyo waqti si uu ku saxo qaladaadka jira

Xubnaha ayaa waxay  jeediyeen qaladaadka jira oo ay ka mid yihiin: Been, Qaa’inimo, maamul  xumo, Eex Musuqmaasuq iyo Axmed Madoobe oo wax walba isaga noqday.

waxaa xubnaha ka mid ah:

  • Xalane
  • Wasiir Guule.
  • Xilibaan Shuuriye.
  • Xildhibaan Xiroow.
  • Wasiir Oomaar.
  • Maxamed Suldaan
  • Cabdi Cali Sonkor

Fadhiga ayaa maanta dib u dhacay ka dib markii lagu heshiin waayay ajendaha shirka, waxaa la filayaa in dib la isugu soo laabto mar kale.

ugu dambayntii Axmed Madoobe ayaa inta badan waxaa lagu dhaliilaa been iyo isadaba mar aan afkiisa iyo uurkiisa islahayn iyo maamul fadhiid ah oo kaligiis uu wax walba qabto.

Wixii warar ah ee kusoo kordha Shirkaan waan idinla socodsiin doonaa.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com