26.6 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

XOG: Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Faroole oo ku kulmay Dubai

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dubai (Caasimada Online) Illo xog-ogaal ah oo ka tirsan xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud caawa in uu kula kulmay magaalada Dubai ee dalka isku taga imaaraadka carabta madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole.

Labada nin ayaa ka hadlay arrimo badan, gaar ahaan khilaafka soo dhex galay dhawaantan dowladda dhexe iyo maamulka Puntland.

Puntland ayaa horey u sheegtay in joojisay wadashaqeentii ay la hayd dowladda Soomaaliya, kaddib markii ay ku eedeeyeen in ay wax ka badashay dastuurka kumeel gaarka.

Si dhab ah looma oga wax yaabaha ay ka wadahadleen Xasan Sheekh iyo Faroole, balse waxaa jiray dedaalo maalmahan dambe ay wadeen waddamada gobalka sida Ethiopia, taasoo ukala dab qaadeysa DF Somalia iyo maamulka Puntland.

Wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia waxa uu dhawaan sheegay in dowladiisa ay diyaar la tahay siddii ay isugu soo dhaween lahaayeen dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News