JOWHAR oo saaka jahwareer uu ka jiro iyo halis kusoo wajahan magaalada

Jowhar (Caasimada Online) War hadda soo dhacay, wuxuu sheegayaa in magaalada Jowhar laga cabsi qabo in uu wabiga Shabeelle ku fataho, kaddib markii uu biyo badan keenay.

Wararka waxaa intaas ay ku darayaan in dadka ay ka xayaan guryahooda, kuwaasoo ka cabsi qaba in uu wabiga uu sameeyo fatahaad ballaaran.

Wariye ku sugan Jowhar oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in magaalada xaley oo dhan aan laga seexan, waxaana ay dadka ay ahaayeen kuwa taagan oo ka warsugaya xaaladda wabiga Shebeelle.

Dedaal badan ayaa socda oo ay wadaan maamulka gobalka iyo dakda ku dhaqan magaalada, kuwaasoo isku dayi raba in biyaha wabiga ay meel kale ka dusaan.

Waxaa xiran dhammaan goobaha ganacsiga iyo kuwa waxbarashadda ee magaalada, waxaana is taagay isku socodka dadka iyo gawaarida.

Waa markii ugu horeysay oo khatar intan la eg laga soo wariyo magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Jowhar

Caasimada@live.com