Xog: Michael Keating oo xilka laga xayuubinayo (Yaa lagu beddelayaa?)

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterras, ayaa la filayaa inuu dhawaan beddelo ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya danjire Michael Keating.

Sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah, danjire Keating ayaa la filayaa inuu bisha November ee sannadkan ka tago shaqada Qaramada Midoobay ee uu wakiilka uga yahay Soomaaliya, waxaana u dhammaanay saddex sannadood oo uu ahaa ergayga Qaramada Midoobay.

Wararka ayaa sheegay in danjire Keating uu doonayay in Qaramada Midoobay ugu darto wakhti kale shaqada uu hayo, laakiin xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inuu go’aansaday in danjire Keating la bedelo marka uu dhammaysto saddexdiisa sannadood oo ku eeg bisha November ee sannadkan 2018.

Dawladda Soomaaliya ayaa horey danjire Keating ku eedaysay inuu xasarad siyaasadeed oo aan jirin ka abuuro Muqdisho, isagoo Mr. Keating caan ku ahaa inuu dhegaysto afkaarta siyaasadeed ee siyaasiyiinta Muqdisho ee mucaaradka ku ah dawladda. Laba goor oo kala duwan ayay dawladda Farmaajo ergaygan ka gudbisay dacwad ka dhan ah oo ay gaadhsiisay magaalada New york ee xarunta Qaramada Midoobay.

Warar aan helnay ayaa xaqiijiyay in la filayo in Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu ergaygiisa Soomaaliya u magacaabo diblomaasi Ingiriis ah oo Qaramada Midoobay wakiil uga ah dalka Koonfurta Suudaan. Diblomaasigan oo  lagu magacaabo danjire Nicholas Haysom ayaa sidoo kale haysta dhalashada dalka Koonfur Afrika, waxaana lagu tilmaamay inuu yahay diblomaasi sumcad ku leh Qaramada Midoobay dhexdeeda.

Waa markii saddexaad ee ay diblomaasiyiin Ingiriis ahi iskaga dambeeyaan xilkan Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaanay wakhtigooda ugu badan ku qaataan magaalada Muqdisho. Danjire Keating, waxa ka horeeyay Mr. Nicholas Kay oo isna Ingiriis ahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com