XOG: Mooshin looga horjeedo maamulka JUBBA ee AXMED MADOOBE oo ka socda MUQDISHO !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo shalay uun ahayd markii uu madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya taageeray, soona dhoweeyay dhismaha Baarlamaanka Jubba ee muranku ka taagan yahay ayaa xildhibaanno ku sugan magaalada Muqdisho waxay shaaciyeen inay wadaan diyaarinta mooshin looga horjeeda maamulka Axmed Madoobe ee Jubba, arrintaasina ay iska arkeen guddoonka Baarlamaanka iyo guddigooda.

Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Baarlamaanka Soomaaliya Daahir Aamiin Jeesoow ayaa sheegay in xildhibaano kamida Baarlamaanka ay wadaan mooshin ka dhan ah Maamulka Jubba, mooshinkaas  ayaa salka ku haya inay ku xadgudbeen dastuurka dalka isla markaana aysan Aqoonsaneyn Dowladda Dhexe ee Dalka ka jirta oo kaalintii ay ku lahyad maamulkaasi ay diideen.

Waxaana jira ayuu yiri inuu jiro mooshin talo soo jeedin, lix qodob oo dastuurka ka mid ahna uu jebiyay Axmed Madoobe.

Mudane Jeesow Xildhibaanada uu ka midka yahay ee wada mooshinka  ay dhowaan u gudbinayaan Gudoonka Baarlamaanka si baarlamaanka loo horkeeno waxna looga qabto dhibaatada uu Maamulka Jubbaland shacabka Goboladaasi ku hayo.

Lama oga sida mooshinkani ku hirgeli doono, iyadoo madaxtooyada iyo xukuumadda ay raali ka yihiin sida maamulka Jubba ku socdo. Xildhiban Daahir Jeesow oo ka mida xildhibaanada ugu afka dheer Baarlamaanka wuxuu dhowaan amar ku bixiyay in la soo xiro Axmed Madoobe taasoo dad badan la yaabeen.

Isha: Goobjooge