Weriye Cabdi Casiis Afrika oo xabsiga la dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan hayada sirdoonka iyo nabad sugida qaranka Soomaaliya ayaa xabsi dhigan wariye C/casiis Maxamuud Guuleed Africa, oo kamid ah wariyaasha sida gaarka ula shaqeeya hay’adda NISA.

Wariyaha ayaa muddooyinkii dambe ku maqnaa magaalada Cadaado ee xarunta Ximan iyo Xeeb, waxaase markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho la amray in la xiro oo xabsiga la geeyo.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta ka dambeysa xariga Wariye Africa, laakiin waxaa soo baxaya warar sheegaya iney jiraan dacwado loo heysto wariyaha oo xafiiska xeer ilaalinta loo gudbiyay.

Waxaa la sheegayaa in haweenay ku sugan Muqdisho ay ku sheegatay inuu ka dhacay lacag lagu qiyaasay  8 kun oo doolar, taasina ay tahay dacwada laga gudbiyay.

La soco waxii kusoo kordhaa Warkaan Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com