25.3 C
Mogadishu
Wednesday, July 16, 2025

Digniin wax ku ool ah oo loo diray DF SOMALIA!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa si adag uga digay in faragalin lagu sameeyo doorashada Musharaxiinta u tartamaya Madaxtinimada Maamulka Mudug iyo Galgaduud.

Hadalkaani ayaa waxaa laga sheegay kulan ay maalinimadii shalay yeesheen Golaha Wasiiradda Maamulka ayaa laga soo saaray qodobo ay ka mid tahay in Guddiga farsamada ay tixgaliyaan go’aanada Odayaasha Dhaqanka, in bulshada labada Gobol ay la yimaadaan tanaasul iyo in Saxiixayaasha Sadex Maamul aysan rabitaankooda ku qasbin Ergada doorashada.

Maamulka ayaa waxa uu walaac ka muujiyay inay dhacdo faragalin ay DF Somalia ku sameyso Musharaxiinta iyo Ergooyinka u calaameysan, waxa uuna maamulka ka digay in Dowladu ay dhagaha ka fureysato baaqaani.

Walaaca iyo Digniinta Maamulka Ximan iyo Xeeb waxa ay imaaneysaa, iyadoo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo saaxiib dhow la ah Madaxweynaha Xassan Sheekh uu isku soo sharaxay Madaxweynaha Maamulka Mudug iyo Galgaduud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News