DF oo ka hadashay 40 SOMALI ah oo lagu dilay..

By Asad Cabdullahi Mataan

Yemen (Caasimada Online) – Masuuliyiinta dowlada Soomaaliya wakiilka kaga ah dalka Yemen ayaa ka hadlay duqeyntii dhawaan lagu dilay qaxootiga Soomaaliyeed ee deganaa xerada Al-qaraj.

Qunsulka Magaalada Sanca ee dowlada Federaalka Cismaan Axmed Maxamuud, ayaa xaqiijiyay in tiro dad Soomaali ah ayku dhinteen duqeyn ku dhacday gaari ay la socdeen.

Qaabka duqeynta loogu dilay Soomaalida ayuu ku sheegay iney kasoo baxayaan warar kala duwan, oo wararka qaar ay sheegayaan in isbaheysiga Sacuudiga ay gantaal badda ay kasoo tuureen ku dhifteen.

Wararka kale ayuu sheegay iney ku maqleen in kooxda xuutiyaan ay dadkaasi u qaateen dad duulaan ku ah, maadaana ay ahaayeen dad badan oo labo gaari la socday.

“Horta ninka gaariga waxay shidaalka ayaa ka go’ay kadib kooxaha mucaaradka ayuu shidaal weydiistay intuu gaariga usoo socddayna duqeynta ayaaba ku habsatay, oo halkaasi inka badan 40 Soomaali ah ayaa ku dhimatay”sidaasi waxaa yiri Cismaan Axmed.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Isbaheysiga Sacuudiga u ugolaatay in Xeebaha Soomaaliya ay adeegsan karaa maadaama lala dagaalamayo Xuutiyiinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com