30.9 C
Mogadishu
Thursday, May 21, 2026

Jubbaland oo yeelatay guddoomiye baarlamaan!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta magaaladaasi lagu doortay gudoomiyaha baarlamaanka ee Jubba.

Doorashada ayaa ka dhacday howlka shirarka ee magaalada Kismaayo iyada oo xildhibaanada baarlamaanka ee maamulka Jubbaland ay doorteen gudoomiyahooda.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Sheikh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan loo doortay gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Jubba.

gudoomiye jubaland

Sheikh Cabdi, ayaa si KMG ah xilkaasi usii hayay maalmihii lasoo dhaafay, waxaana maanta xildhibaanada ay u doorteen gudoomiyaha rasmiga ee baarlamaanka Jubbaland.

Waxaa durba la bilaabay qaban qaabada caleemo saarka gudoomiyaha baarlamaanka ee cusub iyo xaflad loo sameynayo guud ahaan xildhibaanada Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Jubbooyinka
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News