Sawirro: XASAN oo tagay Garoowe + Ujeeddada

Garoowe (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu goor dhow uu gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Xog ku saabsan socdaalka Xasan Sheekh ayaa waxa shalay baahisay Caasimada Online.

Madaxweynaha iyo wefdi la socday oo ka amba baxay Garoonka Caalamiga ah Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxay diyaarad gaar ah ku taggeen Magaalada Garoowe.

Madaxda Maamulka Puntland, ayaa wefdiga Madaxweynaha ku soo dhaweeyay Garoonka Magaalada Garoowe, waxaana daqiiqado ka dib loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Puntland.

Maalinta berrito ah, ayaa waxaa lagu wadaa inuu Garoowe ka furmo shir ay lee yihiin Dowladda Somaliya iyo Maamul Goboleedyada dalka ka jira, wuxuuna daba socdaa shirkii saddex bilood ka hor ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Madaxda Maamul Goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed, ayaa waxaa lagu wadaa inay shirkan kaga qaybgalaan Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Ciidamada Puntland, ayaa waxaa la soo sheegayaa inay si weyn u xoojiyen amniga guud ee Magaalada Garoowe, si ay kaga hortaggaan fal demiyeedyo ka dhaca Magaalada, inta uu ku sugan yahay Hogaamiyaha Somaliya.

Xgaas 1Xgaas1Xgaas3Xgaas4Xgaas5

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com