Xildhibaan Yaasiin “Sharci uu XASAN Sheekh ku tagri falayo wey nagu adag tahay inan hagaajino”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Yaasiin Cabdi Seed oo kamid ah Mudanayaasha BF Somalia ayaa si kulul uga hadlay nidaamka uu Madaxweyne Xassan Sheekh u adeegsanaayo qodobada Dastuurka Somalia.

Xildhibaanka ayaa sheegay in BF uu wakhti badan ku bixinaayo sidii loo adkeyn lahaa ku dhaqanka qodobada ku qoran Dastuurka ee kala xakameynaaya Madaxda qaranka iyo shacabka, balse ciladu ay tahay mid ka taagan dhanka Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu Tilmaamay in Gobolada oo idil laga dhigay maamulo aan sharci ahaan dhameystirneyn, waxa uuna tusaale usoo qaatay Maamulka iminka la doonaayo in loo dhiso gobollada dhaxe.

Xildhibaan Yaasiin Cabdi Seed waxa uu sheegay in Maamulkaasi uu isku darsaday laba ciladood oo mida koowaad ay tahay Hal gobol iyo bar, tan labaadna ay tahay waxa uu ugu yeeray sad bursi ka dhex taagan beelaha halkaasi dega, taasina uu sabab u yahay Madaxweyne Xassan.

Xildhibaanka oo ka mid ah mudanayaasha ka soo jeeda Puntland, ayaa sheegay inaysan aqbli doonin maamulka wax saameyn ah inuu ku yeesho Puntland oo ka mid ah maamulada ugu xoogan ee dalka ka jira.

“Annaga sharciyan waxaan diidanahay maamulka inuu saameyo Puntland,maaddama aan nahay xildhibaannada halka ka yimid,balse waxaan idin sheega madaxweynaha Soomaaliya inan ku qabsan doono oo sharciga la tigsan doono,maaddama ay ka soo yeereen hadallo an sharci ahayn,”

Dhanka kale, Yaasiin Cabdi Seed waxuu tilmaamay inay ka go’aantay raadinta xaquuqda Puntalnd ee dowladda dhexe maadama ay matalayaan shacabka iyo Maamulka Puntland oo ay ugu jiraan dowladda dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com