Gabre iyo Afeey oo ku adeeganay Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in halkaasi ay kulamo kala duwan ku yeesheen dhowr beel oo kasoo horjeeda go’aanka uu Madaxweyne Xassan Sheekh kusoo dhaweeyay dhismaha Baarlamaanka Jubba.

Nabadoon C/laahi Maxamed Xuseen Waamo, oo ka mid ah Odayaasha kulmay, ayaa sheegay inay aad uga soo horjeedan go’aanka Madaxweyne Xassan, waxa uuna tilmaamay in Madaxweynuhu uu kala geynaayo Beelaha dega Jubbooyinka iyo Maamulka KMG ah.

Waxa uu tilmaamay in Madaxweynaha uu ku fududaaday go’aanka isaga oo aan ka fiirsan, balse ay kasoo horjeedan go’aankaasi.

“Aad ayaan uga xunahay in Madaxweynaha uu u kala eexdo Soomaalida, Madaxweynaha waxaan u jeedineynaa in uu ka laabto go’aankiisa, ma aha in uu garab siiyo Gabra iyo Afeey oo horboodayo Maamulka Jubba”

Sidoo kale, waxa uu sheegay in go’aankaasi Madaxweyne Xassan isaguba raali ka aheyn balse ay ku adeeganayaan xubnaha Dowlada Ethiopia ka jooga Somalia iyo IGAD.

Arrintaani ayaa imaaneysa xili ay Beesha Caalamka horay usoo dhaweysay Barlamanka Juba, iyadoo Xildhibaanada iyo Odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda Jubooyinka ay ku cambaareynayaan Axmed Madoobe hanaanka uu u dhisay Barlamanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com