Sawirro: Qarax Qasaare geystay oo ka dhacay…

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi uu qarax ka dhacay kaasi oo lagu xiray gaari uu lee yahay masuul ka howlgala mid kamid ah hayadaha magaalada Gaalkacyo.

Ruuxa gaariga qaraxa loogu xiray ayaa lagu magacaabaa Maxamed Dhaban cad, waxaana la sheegay inuu qaraxaasi uu ka badbaabay xaaladiisana ay tahay mid wanaagsan.

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ayaa goobta gaaray, waxaana ay bilaabeen baaritaano ku aadan sababta qaraxa ka dambeysay.

Ku dhawaad 3 haween ah ayaa la sheegay iney dhaawacyo kasoo gaareen qaraxa ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

8 1 2 3 4 5 6 7

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com