Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamanka Galmudug ayaa diyaariyey mooshin xilka looga qaadayo madaxweynaha maamulkaas Cabdikariim Xuseen Guuleed.
Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa muujineysa in xildhibaanno dhowr iyo soddon ah oo mooshinkan ku diyaariyey magaalada Muqdisho ay maanta u baxayaan magaalada Cadaado.
Xildhibaanada ayaa waxaa sidoo kale ku biirayaa dhowr iyo labaatan xildhibaan oo kale oo ku sugan Cadaado.
Xil ka qaadista Cabdikariim Guuleed ayaa waxaa sabab u ah dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin inuu ku guul darreystay isku keenidda dhammaan dadka Galmudug iyo deegaanada ka maqan gacanta maamulka, iyo inuu soo dhisi waayey xukuumad tayo leh.
Guuleed ayaa waxaa sidoo kale uu noqday madaxweyne maqane ah, isaga oo inta badan ku sugan magaalada Muqdisho oo uu xarun ka dhigtay.
Arrinta ugu weyn ee xildhibaannada ka carreysiisay, ayaa si kastaba ah, markii uu Guuleed dhinac fariistay Jeneraal Gabre, Axmed Madoobe iyo Cabdi Ileey, xilli ciidamada Cabdi Ileey ay shacab badan oo reer Galmudug ah xasuuqeen, islamarkaana diideen in xittaa meydadka la aaso.
“In dadkii meydkooda jidadka yaalaan, oo beesha Cabdi Ileey diiday xittaa in la aaso, inuu meel kula qoslo, ma qaadan karno” ayuu yiri xildhibaan la hadlay Caasimada Online oo codsaday inaan la magacaabin.
Mooshinka xil ka qaadista Guuleed ayaa la filayaa in la gudbiyo toddobaadkan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

