XOG: Mowqifka BEESHA caalamka ee ku aadan afarta kursi ee la xayiray + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Soomaaliya James Swan ayaa soo faro-geliyey xiisadda ka taagan afarta kursi ee golaha shacabka ee guddiga doorashada uu sheegay in doorashadooda dib loogu noqonayo.

James Swan ayaa shalay la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashada Federaalka (FEIT), Muuse Geelle iyo xubno kale oo ka tirsan Isla guddiga, si ay warbixin uga siiyaan hannaanka doorashada Soomaaliya.  

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa, James Swan ayaa ku boorriyey guddiga inay xal u helaan arrimaha ku xeeran afarta kursi ee Guddigu aysan siin shahaadooyinka si doorashadu ay u dhammaato iyadoo aan dib u sii dhicin.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Swan uu ka codsaday guddiga inay fasaxaan kuraastaas, islamarkaana loo ogolaado inay qaataan shahaadada xildhibaan, si loo fududeeyo dhamesytirka hanaanka doorashada.

Afarta kursi ayaa kala ah: HOP#154, HOP#103, HOP#204 iyo HOP#086 oo ah kursiga loo doortay Fahad Yaasiin, ahna midka ugu hadal haynta badan. 

Xayiraadda la saaray kuraastan ayaa dhalisay in maamulka Koonfur Galbeed oo saddex ka mid ah kuraasta lagu soo doortay uu qaadaco shahaado siinta xildhibaanada. Madaxweynaha maamulkaas Lafta-gareen ayaa shalay weerar ku qaaday ra’iisul wasaare Rooble, kuna eedeeyey inuu si gaar ah u beegsaday maamulkiisa.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in James Swan iyo guud ahaan beesha caalamka ay rumeysan yihiin in afarta kursi ee la xayiray aysan waxba ka duwaneyn kuraasta kale oo badankood lagu soo doortay nidaam khaldan, sidaas darteedna aysan jirin sabab si gaar ah loogu beegsado.

Ayada oo sidoo kale ay arrintan ka hadleen xubno ka mid ah Midowga Musharaxiinta sida Shariif Sheekh Axmed, ayaa waxaa kordhaya cadaadiska la saarayo Rooble iyo guddiga doorashada, waxaana ay u badan tahay in kuraastan la fasaxo.