Macquul ma tahay in lagu laabto kursiga Fahad Yaasiin?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer Federaal ayaa sii fogeeyey xaalka afar kursi oo uu guddigaani ka reebay kuraastii sida rasmiga ah loo doortay ee baaramaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray dhawaan ayuu guddiga doorashada ayaa lagu faah-faahiyey sababaha rasmiga ah ee kuraastaan loo reebay.

Afartaan kursi, saddex waxaa laga leeyahay Koonfur Galbeed midna HirShabelle. Kursiga sida weyn isha loogu wada hayo waa HOP#86 kaasoo uu Fahad Yaasiin kasoo qaatay magaalada Beledweyne ayaa sababta loo reebay wuxuu guddiga ku sheegay dacwad ka timid nabadoonada beesha Kursiga iska leh iyo mid kamid ah musharixiintii u taagnaa kursigaas.

Hadalka guddiga wuxuu meesha ka saarayaa warar soo baxay kuwaas oo sheegayey inay socdaan wada-hadallo lagu xalinayo muranka afartaasi kursi.

Guddiga waxay soo jeediyeen in dib loogu laaban doono doorashada afartaasi kursi iyagoo xusay inay dib kasoo sheegi doonaan waqtiga la qabanayo iyo goobta lagu qaban doono intaba.

Hadalka guddiga waxaa ka muuqatay inuu dhammaaday waqtigii Golaha Wada-tashiga Qaran oo isaga la filayey inuu xalka ugu dambeeyo ka gaaro kuraastaan lagu dhagay.

Qoraalka guddiga oo ah in afartaas kursi xilliga la qaban doono iyo goobta lagu qaban doono inuu guddiga soo sheegi doono ayaa sidoo kale ka dhigan in guddiga doorashada isaga gacantiisa ku qaban doono oo aan loo baahneyn guddiyadii heer maamul Goboleed.

Seddexda kursi ee kale waxaa ku jira kursiga HOP#103 oo uu horey ugu fadhiyey guddoomiyihii golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Waxaa jira dad badan oo taageersan dooda kusiga Jawaari maadaama aan wax siyaasad ah ku lifaaqneyn kursigiisa sida kursiga Fahad.

Tallaabadaan ma sahlana. In doorashadaan guddiga heer Federaal gacantooda ku qabtaan waxaa diidaya sharcigii lagu dhisay guddigaan. Maamulada HirShabelle iyo Koonfur Galbeedna ma ogola in doorashada kuraastaan dib loogu laabto.

Qoraalka guddiga wuxuu sababi karaa in kuraastaan kor loo hayo ugu yaraan inta ah ka dhammaato doorashada guddoonka baarlamanka.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo kooxdiisa waxaa u cad in Fahad Yaasiin la dhaafiyo doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, waxaana macquul ah in kadib la iska fasaxo kuraastaan.

Iyadoo 14-ka bishaan la rabo in la dhaariyo xildhibaanada dooran ee baarlamanka 11-aad in kuraastaan loo diro dib u doorasho ma ahan mid farxad gelineysa xubnaha hadda ku fadhiya kuraastaan.

Xubnaha guddiga laftooda waxaa macquul ah inay cadaadis kala kulmaan mowduuca ku laabashada maadaama aad looga soo horjeedo wax walba oo sii daahin kara doorashada.

Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo xildhibaanadiisa Baydhaba isugu geeyey si ay wada-tashi uga yeeshaan xaaladaha soo kordhay ee doorashadaan ayaa la aaminsan yahay inay fariintani sii fogeyn karto mowqifkiisa.

Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed waxay dhawaan soo jeediyeen in xaaladaha qaar loo baahan yahay in laga gaaro go’aan wadajir ah oo aan lagu socon karin rabitaanka Hal qof, laakiin sida muuqata hadda golaha Wada-tashiga Qaran waxba looma hambeyn.

Tallaabooyinka qaar ayaa uga sii dari kara xaalka doorashada Soomaaliya.