BIDEN oo soo xigtay aayad QUR’AAN ah iyo xadiiska NABI Muxammad NNKH

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa soo xigtay Xadiis uu nabi Muxammad NNKH uga hadlay is caawinta dadka Muslimiinta ah, isagoo ka hadlayay in wax loo taro dadka uu nolosha culeyska ka haysto.

Qoraal lagu shaaciyay bogga internet-ka ee Aqalka Cad ayuu Madaxweyne Biden uga hadlay arrintan, isagoo sidoo kale dadka Muslimiinta ah ee caalamka ku nool ugu hambalyeeyay bisha barakaysan ee Ramadaan.

Muslimiinta Mareykanka iyo kuwa dunida kale ayuu usoo diray farriin ka socotay isaga iyo xaaskiisa, taasoo uu ugu bogaadinayay bisha soonka ee sanadkiiba hal mar nasoo marta.

“Dhammaan dadka ku kala sugan caalamka, oo ay ku jiraan dadkayga Mareykanka ee dunida daafaheeda kala jooga, waxay bishan barakaysan u tahay waqti ay ku xoojinayaan iimaankooda. Bulshooyin ayaa isu imanaya si ay u sameeyaan iscafin iyo samir, iyagoo naxariis u muujinaya caawinaadna siinaya dadka u baahan, farxaddooana waxay la qaybsanayaan dadka ay jecel yihiin,” ayuu yidhi Biden.

Hase yeeshee arrinta hadal-haynta dhalisay ayaa ahayd markii uu madaxweynaha Mareykanka bayaankiisa kusoo daray qoraallo turjumaya Aayad Qur’aan ah oo ku jirta kitaabka iyo xadiis ka sugnaaday nabi Muxammad NNKH, oo ku saabsan dhinaca is caawinta.

Biden waxa uu sheegay in la joogo waqtigii lasii wadi lahaa kasoo kabashada cudurka safmarka ah ee dunida aafeeyay, waxa uuna ku baaqay in qof walba uu dadaal ku bixiyo sidii uu ugu istaagi lahaa garab qabashada dadka tabaalaysan ee ku nool meel walba oo ka mid ah dunida.

“Qur’aanka Kariimka ah waxa uu dhigayaa, ‘Qofkii sameeya wanaag miisaankiisu la eg yahay waxa ugu fudud wuu arki doonaa natiijada,” ayuu yidhi Biden.

Qoraalkaas waxa uu kusoo xigtay aayad Q’ur’aan ah oo ku jirta suuratul Zalzalah, oo ay Soomaalidu qaarkood u garan og yihiin “Idaa sulsilat”.

Sidoo kale madaxweyne Biden ayaa si dadban usoo xigtay xadiis ka sugnaaday Nabi Muxammad NNKH, oo ka hadlaya wax bixinta.

“Maalin walba, waxaan aragnaa dhacdooyin qalbi jab ah oo ku saabsan dad noloshooda waayay iyo sawirrada qoysas iyo carruur dhibaato ka haysato sidii ay u noolaan lahaayeen. Musiibooyinkan waxay na xasuusinayaan bani’aadanimada aan wadaagno – iyo sida isku midka ah ee ay diimaha wanaagsan uga qabaan mowqif hal ah, waxaana ku jira Islaamka – oo sheegaya in mar walba aan dadka kale siinno waxa aan nafteenna la jecel nahay,” ayuu bayaanka ku yidhi Biden.

Hadalkaas waxa uu fasirkiisa noqonayaa xadiiska uu nabigu dadka Muslimiinta ugu boorrinayo in “qof ka uu walaalkiis u huro waxa uu naftiisa la jecel yahay”.

Marar hore uu Biden soo jiitay indhaha dad badan oo baraha bulshada iyo warbaahinta isticmaala, isagoo soo qaatay waxyaabo gaar u ah Islaamka.

Bishii September ee sanadkii 2020-kii ayay hadal hayn baaxad weyn ka dhalatay eray kasoo baxay Biden afkiisa, xilli uu ku jiray ololaha doorashada Madaxweynaha Mareykanka ee uu markaas u tartamayay.

Waxaa baraha bulshada si weyn looga hadal hayaa erey kasoo baxay musharraxa madaxtinnimada doorashada ee xisbiga dimuqraadiga ee Mareykanka Joe Biden xilli uu ka qeybgalayay dood kulul oo u dhexeysay isaga iyo ninka uu loolanka adag ka dhex taagan yihiin ee madaxweyne Donald Trump.

Joe Biden ayaa yiri ‘Inshaa Allah’ kaddib markii Trump uu ku yiri , ‘Waxaad arki doontaa qaabka aan canshuurta u celiyay’.

Biden iyo Trump ayaa markaas loo qabtay dood caalamka laga wada daawanayay, waxaana madaxweynihii hore ee Mareykanka lagu haystay arrimo ku saabsan canshuur celinta.