Xukuumada Rooble oo ka hadashay weerarkii Lafta-gareen & sababta kaliftay in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala ayaa si adag uga hadlay weerarkii uu shalay madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen uu ku qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble, kaasi oo uu ku sheegay in si gaar ah loogu beegsanayo arrimaha doorashooyinka.

Al-Cadaala ayaa ugu horeyntii beeniyay in Ra’iisul wasaaraha uu fara-geliyay guddiyada doorashada iyo in si gaar ah uu u bartilmaameedsaday shaqsiyaadka ku fadhiya afarta kursi ee la xayiray.

Waxa uu sheegay in Rooble shaqadiisa tahay socod siinta doorashada, waxa kaliya ee lagu tilmaamo karo “fara-gelin uu qaaday” ra’iisul wasaaraha ay tahay inuu qaado waxa kaliya ee looga hortagayo fara-gelinada runta ah ee in guddiga la kala qeybiyo, carqalado laga dhex abuuro, tallaabooyinkaasina haddii ay yimaadaana waa ku qasban yahay Ra’iisul wasaaraha inuu tallaabooyin qaado.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in madaxweyne Lafta-gareen ay carada ka tan badatay, ayna u cudur daarayaan maadama culeyso badan iyo cadaadis hor leh la saarayo, taasi oo sida la fahamsan yahay uga imaaneysa dhanka Villa Somalia.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa shalay Rooble ku eedeeyay inuu isbaaro u dhigtay Koonfur Galbeed, shuruudaha lagu xerayna ay ka mid yihiin in shaqsiyaad uu wado laga dhigo xildhibaano, taasi darteedna loo hortaagan yahay kuwa si sharci ah loo soo doortay, sida uu sheegay.

“Ma jirto cid gaar ah oo xildhibaan ka dhigi karta, Ra’iisul wasaare Rooble ama Lafta Gareen-na cid ay xildhibaan ka dhigi karaan majirto, waxaa dira culeys badan oo la saarayo madaxda maamulada qaarkooda,” ayuu yiri Al-Cadaala

Al-Cadaala ayaa eedeymahaas ka leexiyay Rooble isaga oo sheegay in qaraarka iyo go’aanadana cida gaaraysa ay tahay guddiyada doorashada oo go’aankooda ku saleeya habraacyada doorashada, kuwa la xanibay iyo kuwa la fasaxayna ay isku mid yihiin, maadaama guddiga uu labadaas go’aan gaaray sidaas in loo raacana ay haboon tahay.

Ugu dambeyntiina waxa uu rajo wanaag ka muujiyay in Cabdicasiis Lafta-gareen tabashadiisa la xalin doono, Ra’iisul wasaarahana uu diyaar u yahay, isaga oo sheegay in hadalka kasoo baxay Lafta-gareen ay la yaabeen shacabka Soomaaliyeed, uuna rajeynayo in carada ka degto odaynimadiisana uu ku noqdo.