Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo ifbaxaya kala qeybsanaan u dhaxeysa xubnaha ku haray Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ku saabsan muddo-kordhinta la rumeysan yahay inay raadineyso Villa Somalia, xilli uu gabaabsi yahay muddo-xileedka Dowladda Federaalka.
Sida aan xog ku helnay, khilaafka ayaa ka taagan sida loo wajahayo muddo-kordhinta la tuhunsan yahay inay ku socoto Villa Somalia, iyadoo xubno qaar ay qabaan in hadda war laga soo saaro oo la dhalleeceeyo, halka kuwa kalena ay rumeysan yihiin in aan laga hadlin maadaama weli madaxweynaha uu waqti sharci ah u harsan yahay.
Farriimo ay is-dhaafsadeen xubnaha ku haray Madasha Samatabixinta ayaa lagu gorfeeyay sida looga hortagayo damaca madaxtooyada, balse weli iskuma raacin go’aankooda iyo sidii loo soo saari lahaa war mideysan oo arrintan ku saabsan.
Xubno ay ku jiraan Shariif Sheekh Axmed, Cabdi Faarax Shirdoon iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qaba in laga hortago hawshaas, oo si rasmi ah mawqif looga qaato lana soo saaro war-murtiyeed, si loo weeciyo dhiirigelin kasta oo Villa Somalia ay ka qabto inay ku dhaqaaqdo qorshahan.
Hase yeeshee, xubno kale oo ay ka mid yihiin laba ra’iisul-wasaare hore, Xasan Cali Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble, ayaa aaminsan in warkan uu yahay mid aan sal lahayn, sidaas darteedna ka hadalkeedu uu sharciyad iyo dhiirigelin siinayo Madaxweyne Xasan Sheekh. Xubnahan ayaa qaba in la sugo illaa Villa Somalia ay tallaabadan ku dhaqaaqdo ama muujiso calaamado.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa muddo-xileedkiisa ka harsan ku dhowaad 7 bilood, oo macnaheedu yahay in weli uu waqti ku filan u harsan yahay si loo billaabo qabashada doorashada.
Hase yeeshee, xubno ka mid ah mucaaradka ayaa rumeysan in doorashada qof iyo cod ee muddo uu ka shaqeynayey madaxweynaha ay tahay mid aan dhici doonin, ujeeddaduna tahay in marka waqtigu soo dhowaado laga laabto; taasi oo waqti dheeri ah siinaysa madaxweynaha si uu xafiiska u sii joogo, ka dibna billaabo qabashada doorasho dadban.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddo ku adkeysanayey in uusan rabin muddo-kororsi, ayna ka go’an tahay inuu fuliyo ballan-qaadkii uu sameeyey ka hor inta aan la dooran, oo ahaa inuu dalka ka saaro nidaamka qabiilka, una gudbiyo doorasho qof iyo cod ah.
Wuxuu hore uga aqbalay xubnihii ka baxay Madasha, sida Shariif Xasan, Cumar Cabdirashiid iyo Maxamed Mursal, in madaxweynaha ay xildhibaannadu soo doortaan, halka xildhibaannada iyo xubnaha golayaasha deegaanka ay ku imanayaan doorasho qof iyo cod.
Si kastaba, dhammaan xubnaha mucaaradka waxay isku waafaqeen in diidmo laga hor keeno qorshe kasta oo muddo-kordhin ah, hase yeeshee waxaa lagu kala aragti duwan yahay sida loo wajahayo iyo goorta laga jawaabayo, waxaana weli socda la-tashiyo arrintan ku saabsan.

