Xog: Magacyada 5 guddoomiye degmo oo Muungaab uu xilka ka qaadi doono

Beledweyne (Caasimada Online) – Ilo wareed ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa shabakadani u xaqiijiyay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Muungaab uu wado xil ka qaadis uu ku sameynaayo Shan Guddoomiye Degmeedyo kuwaasi oo lagu eedeynaayo inay gudan waayen Waajibaadka ka saaran Ammaanka Degmada.

Wararku waxa ay sheegayaan in Guddoomiyayaashasi ay Hanan waayen Ammaanka iyo dayactirka Degmooyinka, iyagoona la Tilmaamay in inta badan Wakhtigooda ay ku lumiyeen Hoteelada iyo Xarunta weyn ee Gobolka.

Haddaba Shanta Guddoomiye Degmeedyo ayaa waxaa kamid ah:-

1-Guddoomiyaha Degmada Xamar-Jajab Axmed Cusmaan Dhoore

2- Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid  Xuseen Maxamed Cadaawe

3-Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Maxamed Axmed Xaashi

4- Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Axmed Xasan Yalaxow

5- Guddoomiyaha Degmada Deyniile Ciise Maxamuud Guurre

Xil ka qaadista Shantaani Guddoomiye lagu sameyn doono, ayaa waxa ay qeyb ka noqoneysaa dadaalo uu Guddoomiyaha Gobolka ku kala sifeynaayo Guddoomiyayaasha wax tarka leh iyo kuwa aan u qalmin xilka Degmo.

Dhanka kale, Guddoomiyayaashani la badali doono, ayaa waxaa lagu bedeli doonaa Guddoomiyayaal kale oo ay qaraabo yihiin kuwa xilka laga qaadi doono.

Caasimada Online

Xafiiska Beledweyne

caasimada@live.com