Tarsan oo sheegay in sanduuq madow oo waxa ku jira aan la aqoon loo soo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Mohamud Ahmed Nur Tarsan Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa waxa uu Bartiisa Facebook kusoo qoray Qoraal yar oo uu uga hadlaayay Federaalka laga dhaqan galiyay Dalka Somalia.

Tarsan waxa uu Qoraalkaasi ku cadeeyay in la doonayo in Shacabka Soomaaliyeed lagu dhaqo Nidaamyo aysan aqoon buuxda u laheyn waxa uuna Tusaale usoo qaatay Nidaamka Federaalka.

Nuqul kamid ah Qoraalka Tarsan uu bartiisa Facebook kusoo qoray ayaa waxa uu u qornaa ‘’Shacabka Somaaliyeed waxaa loo dhiibay  SANDUUQ MADOW xiran oo aan la ogeyn waxa dhexdiisa ku jira oo ka soo bixidoona marka la furo Sanduuqu waa FEDERAAL xitaa kalimada ma aha  Soomaali’’ Sidaa waxaa yiri Tarsan.

Isagoo intaa kasii ambaqaadayo dhanka qoraalka waxa uu yiri ‘’Waxaan hubaa in %90 shacabka Soomaaliyeed la rabo in lagu dhaqo Erayo iyo Nidaam aysan micnihiisu aqoon Marka yaa la rabaa inuu shacabka u fasiro kelimadaan ka baxsan qaamuuska afka Somaaliga?’’

Mohamud Ahmed Nur Tarsan waxa uu aad u dhaliilay wada shaqeyn la’aanta ka dhexeysa DF iyo Shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna Sababtu ku sheegay Damaca Madaxda DF iyo Daacadnimada Bulshada Soomaaliyeed oo lagu dhaqaayo Nidaamka Federaalka.

Tarsan oo arrintaasi ka hadlaayo waxa uu yiri ‘’Nin ayaa soo qaatay Federalka Germalka, Ethiopia iyo Mareykanka, waxa ay ila  tahay in aad iyo aad ay u kala fogyihiin midka la rabo in laga hirgeliyo Somaaliya iyo Midka ay ku dhaqmaan Dowladaha la sheegay’’ Sidaa waxaa yiri Tarsan.

Tarsan waxa uu sidoo kale, ka digay in Bulshada Soomaaliyeed la marin habaabiyo, waxa uuna Tilmaamay inuu jiri doono xisaabtan haddii leysku dayo in la kala geeyo Bulshada iyo Dalka.

Dhanka kale, waxa uu si dadban daboolka uga qaaday in Dowlada Federaalka ay la daal-dhaceyso Sanduuq madow oo lagu soo riday Federaal aan suuragal aheyn in laga hirgaliyo Dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com