REER MUQDISHO OO LA QASBAAYO!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobalka Banaadir ayaa ka hadlay cabashooyin ka soo yeertay ganacsatada suuqa bakaaraha kuwaasoo shaley go’aan ku gaaray in ay xiraan goobahooda ganacsiga kaddib markii ay sheegeyn in laga qaado lacago xad dhaaf.

Sarkaal u hadlay dowladda hoose ayaa sheegay in ganacsatada suuqa Bakaaraha ay qasab ku tahay in ay bixiyaan lacagta canshuurta ciddii diidana la soo xiri doono lana taagayo sharciga.

Madaxa waxda canshuur qaadida ee gobalka Banaadir ugu qaabilsan suuqa bakaaraha Cabdiraxmaan Axmed Cali, ayaa warbaahinta u sheegay in canshuurta qof kasta oo ganacsato ay qasab ku tahay, isagoona yiri waxaa lagu qabtaa arrimo badan oo ay ka mid tahay ammaanka hantida ganacsatada suuqa ku ganacsado.

“Sharci ayaa ka yaalla qofka diidda canshuur waana qasab ciddii diidana waa la soo xirayaa waana sharci ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha” ayuu yiri.

Hadalka mas’uulkan ayaa u muuqda mid hanjabaad ah maadama ganacsatada suuqa bakaaraha ay lee yihiin waan bixinaa canshuurta ee waxaan kala garan la’nahay ciidamada badan ee aan lahayn meel loogu soo hagaago ee suuqa ka buuxa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com