Xog: Muran ka taagan kursi muhiim ah oo dib u dhigay magacaabista wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wuxuu galabta dib u dhac ku yimid qorshe ahaa in lasoo saaro liiska golaha cusub ee wasiirrada Soomaaliya, kuwaas oo la filayay in lagu dhawaaqo galabta, sida ay sheegayaan wararka ay heshay Caasimada Online, waxaa weli socda kulamo xasaasi ah.

Sababta ka dambeysa dib u dhacaan waxaa lagu sheegay in weli ay dood adag ka taagantahay qofka loo magacaabayo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.

Siyaasiyiinta reer waqooyiga ayaa dood ka keenay in Xildhibaan Biixi Iimaan Cige loo magacaabo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, kadib markii xalay lagu qoray booskaas, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa galabta kulan dheer oo saacado qaatay ka yeeshay masuulka ay u xulanayaan booskaas iyo dooda ka taagan xulashadooda Biixi Iimaan, taas ayaana la sheegay inay keentay dib u dhacaan ku yimid in lasoo saaro liiska golaha wasiirrada.

Xogta aan heleyno waxay intaas ku daraysaa in xukuumadda lasoo dhisayo ay ku jiri doonaan siyaasiyiin ay ka mid yihiin, Axmed Macalin Fiqi, Xasan Macalin, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Dr. Cilmi, Biixi Iimaan Cige, Maxamuud Beena-Beene, Faarax Sheekh Cabduqaadir, Abshir Bukhaari, Cali Balcad, Ilyaas Cali Xasan, Khadiijo Maxamed Diiriye, Daa’uud Aweys iyo xubno kale.

Sheekada xasaasiga ah ee ilaa hadda aan saldhigan waa in wararku sheegayaan in Mukhtaar Roobow oo dowladda u xiran ay macquul tahay in loo magacaabo wasiirka diinta, awqaafta iyo la dagaalanka fikirka xagjirka ah, waxaana u ololeynaya xildhibaano ku dhow dhow guddoomiyaha golaha shacabka.

Lama oga waqtiga rasmiga ah ee la shaaci doono liiska golaha wasiirrada, waxaana socda kulamo gooni gooni ah, kuwaas oo xoogeystay saacadihii lasoo dhaafay, xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha waxaa ka jira mashquul badan.