Xog: Muran ka taagan lacag R/W CC uu xaday iyo Xasan oo amray…

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf xooggan ayaa ka dhex qarxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, kaasi oo salka ku haya lacag la sheegay in la xaday.

Sido ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online, Khilaafka ayaa la sheegay inuu ka dhashay lacag uu Sharmaarke kala baxay bankiga dhexe ee Soomaaliya, isaga oo aan weydiisan madaxweyne Xasan Sheekh.

Lacagtan oo lagu sheegay illaa 1.5 milyan oo dollar ayaa ra’iisul wasaaraha ku sheegay inuu ku fulinayo arrimo dhowr ah, hase yeeshee madaxweynuhu sheegay inaysan muuqan.

Madaxweynaha ayaa ku amray Sharmaarke inuu lacagta kusoo celiyo bankiga dhexe, taasi oo uu ku gacan seeray Cumar Cabdirashiid, isaga oo ku dooday in madaxweyne naftiisa uu lacago dhowr ah kala baxay bankiga.

Cumar Cabdirashiid ayaa toddobaadyan ku howlanaa arrimo dhowr ah oo uu kaga faa’iideysanayo xilliga kala guurka, isaga oo xubno ay isku beel yihiin sidoo kale ku tixay xilal.

Dowladda Soomaaliya oo waqtigeeda uu iminka gabaabsi yahay ayaa isugu soo biyo shubtay “Intaysan dhammaan ka gaarsii”, oo qof walba uu wixii uu doonayo sameynayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com