Farxad murugo isku badashay & arrin xanuun badan (Sawirro)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa goob farxadeed u badalay murug kadib markii uu isku qarxiyay xaflad aroos oo ka dhaceysa xaafad ka tirsan magaalada Gaziantep ee dalka Turkiga.

Weerarkaasi ayaa waxaa sida la xaqiijiyay ku dhimatay inka badan 30 ruux halka ku dhawaad 100 ruux ay ku dhaawacmeen qaraxa ka dhacay magaalada Gaziantep ee dalka Turkiga.

Shacab badan oo ka qeyb galayay xaflada arooska ee ka dhacday dalka Turkiga ee murugada isku badashay ayaa waxaa laga muujiyay walaac badan, waxaana la arkayay dad badan oo la anfariiray dhacdada.

Shaqaalaha gaadiidka gurmadka deg degga oo ku baxay goobtaasi, ayaa ka daad gureeyay dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi argagixiso.

Gaziantep Gaziantep1 Gaziantep2 Gaziantep3 Gaziantep4

A man and a woman mourn next to a body of one the victims of a blast targeting a wedding ceremony in the southern Turkish city of Gaziantep, Turkey, August 20, 2016. Ihlas News Agency via REUTERS
Gaziantep6 Gaziantep91 Gaziantep97

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com