DEG DEG: Qaraxyo is xig xigay oo goordhow ka dhacay Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Labo Qarax oo culus ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana qaraxyadaasi kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aadan qaabka ahy u dhaceen.

Qaraxyada ayaa waxaa loo adeegsaday Gawaari sida ay sheegeen dadka kunool magaalada Gaalkacyo.

Qaraxyada ayaa waxa ay ka dhaceen xarunta dowladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo , waxaana dadka kunool Gaalkacyo sheegeen in ay arkaayaan uuro xoogan oo ka kacday xarunta dowladda Hoose Magaalada Gaalkacyo.

Goobta koowaad ee qaraxa lagu weeraray ayaa la sheegayaa iney ku shirsanaayeen xubno ka tirsan golayaasha m,aamulka Puntland  gaar ahaan wasiiro maamulkaasi ka tirsan oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Gaalkacyo.

Qaraxa koowaad ayaa loo gaari NOHA ah oo laga buuxiyay waxyaabaha qarxa.

La soco waxii kusoo  Insha allah

Caasimada Online
Xafiiska MUDUG
Caasimada@live.com