27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 30, 2026

Sawirro: Burburka & khasaaraha goobta qaraxyadii GAALKACYO

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug iyadoo waxyeelada ugu daran ay soo gaartay dadka shacabka ah ee halkaasi ku sugnaa.

Inka badan 20 ruux ayaa la sheegay iney ku dhaawacmeen qaraxyada maanta ka dhacay dhanka Puntland ee magaalada Gaalkacyo, waxaana jirin cid sheegatay masuuliyada qaraxyada maanta dhacay.

Suuqa Xero Dayax ee magaalada Gaalkacyo oo xiligaasi dadweyne badan ay ku sugnaayeen ayaa waxyeelada ugu daran ay ka dhalatay, waxaana la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee dhimashada.

Qaraxa labaad ayaa ka dhacay afaafka hore ee xarunta dowlada hoose ee magaalada Gaalkacyo oo dad badan ay ku sugnayeen.

Ciidamada oo rasaas dadka ku kala ceyrinaya ayaa dhankooda bilaabay iney baaritaano ku dhaqdhaqaaqaan.

1-6-768x432 2-6-768x432 3-6-768x432 4-6-768x432 5-4-768x432 6-2-768x432

- Advertisement -

Read more

Local News