Xog: CC oo qorshe siyaasadeed cajiib ah u tagaya GAROOWE..!!

Garowe (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa la filayaa inuu tago magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland iyadoo safarkaasi uu leeyahay qorshihiisa gaarka ah.

Ilo xog ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in ujeedada safarka Cumar C.rashiid Cali ay tahay sidii uu ula kulmi lahaa odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda deegaanada Puntland kuwaasi oo la filayo iney soo xulaan xubnaha Puntland umatalaya xildhibaanada baarlamaanka.

Xogaha kale ee aan heleyno ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu doonayo inuu kaalin muuqato ku lahaado xubnaha baarlamaanka ee sanadkaan imaanaya, maadaama uu yahay musharax madaxweyne oo xilka madaxweyne doonaya.

Wararka ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid uu tagi doono magaalooyinka waaweyn ee Puntland iyo deegaano dhowr ah oo ku yaala gobolkaasi.

Cumar C/rashiid, Afhayeen Jawaari & Xasan Sheikh Maxamuud oo ugu sareeyo hogaanka dalka ayaa doonaya iney kaalin muuqato ku yeeshaan xubnaha baarlamaanka ee lasoo xulayo sanadkaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com