Xasan & Boorsaasni oo shirqool u dhigay siyaasiyiin caan ah (Xog)

Muqdisho(Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud uu wado diyaarinta dibadbaxyo lidi ku ah Musharaxiinta iyo Siyaasiyiinta kasoo horjeeda Siyaasadiisa.

Abaabulka Madaxweyne Xassan ayaa waxaa qeyb ka ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Boorsaani iyo Xubno kale oo ka tirsan Villa Somalia kuwaasi oo doonaaya in magaalada Muqdisho ay ka hirgaliyaan Banaanbaxyo aan horay loo maqlin.

Dibadbaxyadaani ayaa waxaa lagu muujinayaa taageerida Xassan Sheekh, iyadoo laga soo horjeesan doono Musharaxiinta kale.

Dalabka dibadbaxyada ayaa ka imaaday dhanka Xassan Sheekh waxa uuna qorshuhu yahay in dibadbaxaasi uu saameyn ku yeelan doono gabi ahaan magaalada Muqdisho.

Diyaarinta dibadbaxyada ayaa waxaa ku baxeysa lacag aad u farabadan oo la doonaayo in lagu bixiyo amniga iyo ololaha ka dhex socon doona dibadbaxyada.

Qorshahaani ayaa waxaa loogu tallo galay in lagu diyaariye ilaa 4,000 oo dibadbaxayaal ah, iyadoo qaabka dibadbaxa u dhacaayo ay isla dajinayaan ku dhawaad 25 mas’uul oo uu qeyb ka yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Lama oga sida uu u hirgali doono qorshahaani waxaase loo badinayaa inuu noqon doono mid ka farxisa Xassan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com