Xog: Musharaxnimada R/W ROOBLE oo dhab ku dhow

Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaya tuhunka ku aadan in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu doonayo inuu isku sharxo xilka madaxweynaha Soomaaliya ee doorashada la qorsheeyey 10-ka October.

Rooble ayaa dhowr mar sheegay inuusan aheyn musharax, hase yeeshee tallaabooyin uu qaaday dhowaanahan ayaa sare u qaaday warar maalmihii ugu dambeeyey laga soo xigtay xubno ku dhow.

Waxaa ugu dambeysa habraacii doorashada oo ay isku raaceen isaga iyo madaxda maamul goboleedyada, oo awoodda maamulka doorashada siiyey madax goboleedyada, halka uu Rooble-na gacanta ku dhigay maamulka doorashada xildhibaanada waqooyi iyo kuwa Banaadiriga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale bilihii ugu dambeeyey aad u dhisayey xiriirkiisa arrimaha dibedda, si uu magaciisa sare ugu qaado una eego suurta-galnimada ah inuu taageeri heli karo. Wuxuu boqoday Sacuudiga, UK, Masar iyo Kenya, waxaana la filayaa inuu amr kale ku laabto Sacuudiga, iyo suurta-galnimada ah inuu tago Imaaraadka Carabta.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in hamiga Rooble ee sare usii kacaya ay ugu wacan tahay cadaadis kaga imanaya beeshiisa Habargidir, gaar ahaan Sacad, iyo xubno ka tirsan beesha caalamka.

Marka la eego sida looga niyad jabay hoggaaminta Farmaajo, iyo musharaxiinta mucaaradka oo la filayo inay isku jabaan, kalan qeybsadaaan codadka inta diidan Farmaajo, ayaa beesha Rooble waxaa lagu warramaya inay rumeysan tahay inuu yahay fursadda kale ee ay xilkan ku heli karaan, ayada oo musharaxiinta kale ay beesha aysan haysan wax fursad ah oo muuqda.

Sidoo kale, wakiilo ka tirsan beesha caalamka ayaa lagu warramay in sababta ay Rooble ugu cadaadinayaan inuu xilkan raadiyo ay tahay inay ku jebiyaan madaxweyne Farmaajo, oo ay rumeysan yihiin in haddii dib loo doorta ay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay galeyso dagaal sokeeye.

“Wakiilada caalamka waa ogyihiin in Rooble uusan rajo laheyn, hase yeeshee waxay is-sharaxaaddiisa u arkaan inay dhaawac weyn ku tahay Farmaajo,” waxaa sidaas Caasimada Online u sheegay xildhibaan codsaday inaan la magacaabin.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhankiisana la rumeysan yahay in cadaadisyadan ay ku dhaliyeen in haddii uu si wanaagsan uu hago doorashada xildhibaanada, soona celiyo xiriirka dalalkii saaxiibka la ahaa Soomaaliya ee uu gooyey Farmaajo, inay gacan weyn siin karto.

Si kastaba, musharaxnimo kasta oo uu Rooble ku dhowaaqo, haddiiba ay uu sidaas go’aansado, waxay iman doontaa oo kaliya marka lasoo geba-gebeeyo doorashada xildhibaanada ama lagu dhowaado.