Muqdisho (Caasimada online) – Kulan gaar ah oo ay yeelanayaan golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa maanta looga hadlayaa arimaha dalka Soomaaliya iyo diyaarinta badalka wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nickolas Kay.
Shirka oo looga hadlayo arimo dhowr ah ayaa waxaa la filayaa iney ka qeyb galaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Wakiilka UNSOM ee Soomaaliya Mr Kay iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon.
Shirka maanta ayaa waxaa sidoo kale diirada lagu saari doonaan soo jeedin ay keentay dowlada Ingiriiska ah oo ah in la kordhiyo taageerada la siinayo ciidamada xooga dalka Soomaaliya.
Soo jeedinta ayaa waxaa soo diyaariyay ergo ka kooban Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa si loo dhiso ergo badal u noqoneyso xafiiska UNSOM ee Soomaaliya kuwaasi oo Soomaaliya ka howlgalaya
Wararka ayaa intaasi ku daraya in shirka looga hadli doono soo jeedintii Ban Ki Moon ee 7 October oo aheyd in la joogteeyo taageerada la siinayo ciidamada AMISOM ee kusugan Soomaaliya.
Golaha ayaa doonaya in la badalo xafiiska UNSOM ee Soomaaliya, lana diyaariyo qorshe kale oo lagu sii wado karo taageerada la siinayo dowlada Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]