Xog: Musuq-maasuq baahsan oo hareeyey soo xulista xildhibaanada cusub iyo arrin yaab leh oo socota

Garoowe (Caasimada Online) – Dalka Somalia, wuxuu haatan diyaar garow ugu jiraa doorasho lagu wado inay qabsoonto dabayaaqada sannadka 2016, waxaana socda loollan xooggan oo loogu jiro kuraasta aqalka sare iyo kan hoose ee Barlamanka dalku yeelan doono sanadkaan dabyaqadiisa.

Doorashadan ayaa ka duwan midii dhacday sannadkii 2012, taasoo go’aanka xulista xildhibaanada Barlamanka ka kooban 275 ay lahaayeen 135 oday dhaqameed oo kaliya kuwasoo faragalin ku sameeyeen xiligaas siyaasiyiintii talada dalka hayey.

Dowladdii lagu dhisey nidaamkaas sanadkii 2012 waxaa Madaxweyne loogu doortey Xasan Sheekh Maxamud taasoo lagu suntay middii ugu musuqmaasuq badnayd  ee abid soo marta dalka Somalia.

Afar sanno oo ay jirtey dowladaas waxaa soo maray 3 Ra’isal wasaare oo mid waliba dhisay xukuumad cusub, dhamaantoodna ma noqon kuwa shacabka ka gudbiya dhibaatooyinkii horyaaley.

Haddaba si caddaladda loogu dhowaado 4 sanno ka dib iyadoo dowlada Xasan Shiikh ku guuldareysatey in wadanka gaarsiiso doorasho Hal qof hal cod ah ayaa kulamada madaxda maamulada iyo dowlada Federalka kuwasoo dabada ka riixayeen wadamada beesha caalamka ee danaha ka leh Somalia ayaa waxaa lagu go’aamiyey in mudanayasha Barlamanka oo cusub ay soo  xulaan ama u codeeyaan 51 qof oo ka soo jeeda beesha xildhibaankas la siiyey.

Arrintaas dadka intiisa badani way bogaadiyeen mar hadii la waayey in dadku u dareero doorasho xor ah waxayna ku sifeeyeen mid meesha ka saaraysa tuhunka la xiriiray eex iyo nin jeclaysi lamid ah midii dhacdey sanadka 2012 waxaana bulshada Somaliyeed u arkaysay tallaabo shacabka  fursad u siinaya inay doortaan shakhsi kasoo bixi kara howlaha loo idmadey.

Hadaba sida muuqata lagana arkayo hab dhaqanka madaxda maamulada Federaalka iyo madaxda dowlada Somalia oo waqtigoodii dhamaadey waxaa jira islamarkana socda faragalin iyo dhexgal lagu hayo qabaa’ilka xidhibanada cusubi ka imaanayaan kuwasoo cadaadis lagu saarayo iney aqbalaan ama qaataan xubno u calaamadeysan mas’uuliyiinta aan kor ku soo xusney.

Talaabadaan waxa ay abuurtey dib u dhac ka yimid is-qab-qabsi beelaha dhexdooda ah iyadoo sidoo kale madaxda maamulada weli kor u hayaan ama dib u dhigayaan magacaabista xildhibaanada aqalka sare madaama nidaamka doorasho oo jira awooda u siinayo iney soo xulaan.

Dib u dhacaan xildhibanada aqalka sare oo lagu macneynayo arrimo badan ayaa la rumeysan yahay inuu ugu muhiimsan yahay qodob sheegaya  inuu jiro gor-gortan siyaasdeed kasoo ka dhexeeya madaxda maamulada iyo madaxda dowlada Federaalka xilku ka dhamaadey kuwasoo ugu horeeyaan madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha Somalia.

Waxaa xusid mudan in dhowaan Ra’isal wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid booqasho ku yimid magaalo madaxda Puntland Garoowe isagoo culeys siyaasadeed kusoo kordhiyey Madaxweyne Gaas oo horey aad loo dhaleeceynayey go’aan qaadashadiisa, waxaana mudane Sharmaake kulamo la xiriira ololihiisa siyaasadeed aqalka madaxtooyada kula yeeshey qabaa’ilka gobolka.

Wararka ayaa sheegaya in Mudane Cumar Cabdiraahid qabaa’ilka ka codsanayo iney u soo xulaan xubnaha aqalka hoose iyo sare  kuwaasoo filayo iney codka siiyaan waqtiga doorashada.

Qodobka kale oo muhiimka ah ee jira kaasoo furo u ah faragalinta lagu hayo qaabka beelaha u soo xulanayaan xildhibaanada ayaa ah lacagta lagu xirey dadka u tartamaya kuraasta aqalka sare iyo aqalka hoose ee Barlamanka Somalia.

Heshiisyadii lagu gaarey kulamadii loo baxshey madasha madaxda Somalida ayaa waxaa lagu go’aamiyey in qofkii u tartamaya aqalka sare bixiyo 10,000 USD halka xubinta dooneysa xildhibanka aqalka hoose laga doonayo 5000 USD.

Hadaba waxaa la ogaadey in lacagtaan ay bixin karaan oo kaliya dadka tageerada dhaqaale ka helaya xubnaha siyaasiyinta Federaalka oo xilku ka dhamaadey kuwasoo rajo ka qaba in xafiiskaan dib ugu soo noqdaan.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.vom