Waa kuma musharaxa kaliya ee ololihiisa doorasho ka wada guri ee aan Hotel degin?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasiifka ololaha murashaxa madaxweynaha Soomaaliya, Ambassador Maxamed Cali “Ameeriko” oo ka mid ah musharaxiinta muuqda ayaa noqday siyaasiga kaliya ee ololahiisa ka wada guri ku yaal magaalada Muqdisho, halka musharaxiinta kale ay dhaqaale fara badan ku bixinayaan hoteelada ugu waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Ambassador Maxamed Cali Ameeriko ayaa xafiiska ku howlan ololahiisa musharaxnimada wuxuu door biday halkii musharaxiinta kale hoteelada qaaliga ah dhaqaale ku bixiyaan in kooxda ololaha u wata aysan kireysan hoteello, dhaqaalihii ku bixi lahaana taas badalkeed ay ku taageeraan dadka taagta daran ee ku dhibaateysan magaalada Muqdisho.

ameerikoSida wararku aan ku heleyno, xafiiska ololaha murashax Ameerika ee Muqdisho, ayaa albaabadiisa dadka laga celin, cid walbana ay u furan yihiin, waxaana laga dareemayaa mashquul fara badan oo dadka u hambalyeynaya iyo kuwa taageersan musharaxnimadiisa soo booqda.

Murashaxiinta kale ee ku sugan Muqdisho ayaa iyaga intooda badan ololahooda doorashada ka wada hoteelada, waxaana adag in dadka aan ka tirsaneyn dowladda si fudud ku galaan hoteelada ay degan yihiin oo dhaqaale fara badan ugu baxa.

Ambassador Ameeriko ayaa lagu xusuustaa xiligii uu safiirka ahaa in uu soo dhiciyay dhismaha safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo mudo ka badan 20 sano gacanta dowladda ka maqneyd iyo socdaaladii nabadeed ee uu ku bixiyay guud ahaan gobolada Soomaaliya iyo qurbaha ay degan yihiin jaaliyaddaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com