Qaraxyo Caawa ruxay magaalada Beledweyne & Khasaaro ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax khasaaro kala duwan geystay ayaa waxa uu caawa ka dhacay xaafada buundo weyn ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxyada oo ahaa kuwo is xigxigay ayaa waxaa lasoo warinayaa in lagu weeraray gaadiid dagaal oo ay la socdeen ciidamo ka tirsanaa kuwa dowlada.

Qaraxyada oo ahaa Bam gacmeedyo ayaa waxaa lasoo sheegay inay ku dhaawacmeen ku dhawaad Siddeed ruux, oo ay u badan yihiin ciidamo ka tirsan dowlada iyo dad shacab ahaa.

Qaraxyada ayaa dhacay waxyar un kadib markii ay halkaasi ciidamada ka sameeyen howlgal, waxaana goortii ay baxeen lagu sagootiyay Qaraxyo loo adeegsaday Bam Gacmeedyo.

Maamulka ayaan weli ka hadal Qaraxyada waxaana la soo sheegayaa in ciidamo kale ay ku baxeen goobta ay ka dhaceen Qaraxyada.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com