Shir xasaasi ah oo Muqdisho uga socda dhinacyada doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka socda shir gaar gaar ah oo u dhexeeya Guddiga Federaalka ah ee doorashada dadban iyo Guddoomiyeyaasha guddiga doorashada dadban ee heer dowlad goboleed.

Shirkaani u dhexeeya Guddiga Federaalka iyo Guddoomiyeyaasha, ayaa waxaa lagu lafa-gurayaa sida kama danbeysta ah ee xal looga gaari lahaa tashwiishka ku furan qabsoomida doorashooyinka dalka.

Shirka Guddiga Federaalka iyo Guddoomiyeyaasha, ayaa waxaa sidoo kale, looga hadlayaa sida looga gaashaaman lahaa haddii ay dhacdo in wakhtiga doorashada ka harsan ay dowlada ku filnaanweyso.

Guddiga Federaalka iyo Guddoomiyeyaasha, ayaa sidoo kale isla turxan bixinaaya suuragalnimada in dib u dhac uu ku imaado wakhtiga doorashada Madaxweynaha dalka, waxaana suuragal ah in wakhtiga doorashada uu ku imaado dib u dhac.

Sidoo kale, Guddiga Federaalka iyo Guddoomiyeyaasha ayaa isla soo hadalqaadaya inaanu maamulada dalka ku kala hormarin doorashada, hayeeshee ujeedka ugu weyn uu yahay in mar qura ay dhacdo doorashada.

Dhinaca kale, shirkooda ayaa waxaa la filayaa inay kasoo bixi doonaan khaladaad yar, kuwaasi oo ay dib ugu celin doonaan Madaxtooyada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com