Xog: Fashil ku yimid doorashada BF iyo aqalka sare (Arrin soo baxday)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo ifbaxaaya shakiyo muujinaaya in dib u dhacyo uu ku imaan doono wakhtiga doorashooyinka dalka ee loogu tallo galay inay dhacaan.

Calaamadaha muujinaaya fashilada kusoo fool leh doorashada dalka ayaa waxaa kamid ah in Doorashada Baarlamaanka ay aheyd inay ka bilaabato magaalada Muqdisho iyo caasimadaha maamul goboleedyada 24 September.

24 September, ayaa waxa uu qorshuhu ahaa in goobaha cod bixinta ay yaalan sanaadiiqda codbixiyayaasha, isla markaana halkaasi ay diyaar ku ahaadan Guddiyada loo xilsaaray doorashooyinka, hayeeshee aanu muuqan heshiiska doorashooyinka ee lagu go’aamiyay shirka madasha Qaran ee Muqdisho.

Fashilka labaad ee lagu burburinaayo Heshiiska doorashoyinka ayaa waxaa kamid ah in 25-ta bishaani aanu ku jirno kuna beegan maanta ay aheyd in dowlad goboleedyada soo gudbiyaan magacyada Liiska u matalaya aqalka sare, taas oo sidoo kale aan dhici ilaa iyo hadda.

Mas’uul ka tirsan Guddiga doorashada dadban ee heer Federal, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in ilaa iyo hadda aanan loo soo gudbin Liiska xubnaha dowlad goboleedyada u matali lahaa Aqalka sare.

Mas’uulkaani waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in qorshuhu uu ahaa in 24 September Doorashada Baarlamaanka ay aheyd inay ka bilaabato Muqdisho iyo caasimadaha maamul goboleedyada, hayeeshee aanu jirin wax ilaa iyo hadda ka hirgalay qorshahaasi.

Sidoo kale, dib u dhaca jadwalka doorashada 2016-ka ayaa markii 2aad sabab u noqonaaya diyaar garow la’aanta dowlada Somalia.

Dowlada Somalia weli kama aysan hadal dib u dhaca cusub ee durba lagu khilaafaayo xiliga la go’aamiyay doorashada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com