Maxkamada Hargeysa oo go’aan ku qaadatay dheecaanka DNA

Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamad ku taala magaalada Hargeysa ayaa go’aan rasmi ah kasoo saartay dacwad muddo sanad ah socotay oo ku saabsan labo qoys oo isku heystay ilmo yar oo qoys walbaa uu sheegtay isirka ciyaalka.

Maxkamada magaalada Hargeysa ayaa go’aan gaartay kadib markii wiilka oo 16 sano ah jir ah laga qaaday dhiiga hido sidaha ee DNA, kaasi oo loo qaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wiilka yar ayaa loo xukumay iney dhaleen Jawaahir Cabdi iyo C/rashiid Dirir Cali kadib markii maxkamada ay ku qanacday baaritaanka dhiiga DNA oo 100% islahaadeen waalidiintaasi.

Maxkamada ayaa dhaqaalaha ku baxay baaritaanka waxay ka bixisay qasnada maxkamada, waxaana lagu dalacay qoyska kale ee ka been abuuray lahaanshaha wiilka yar.

Jaamac Maxmuud Aw-Cali  iyo Aasiya Mataan Maxamuud oo ilmo aaney dhalin sheegtay, ayaa maxkamaddu ku ridday xukun xarig iyo ganaaxba iskugu jira;

“Maxkamaddu waxay ku qanacday una aqoonsan tahay maanta oo bishu ay tahay 24.09.2016 Labada eedaysane ee aabbo Jaamac Maxamuud Aw-Cali iyo Aasiya Mataan Maxamuud dambiilayaan si badheedh ah u sheegtay Ilmo aaney dhalin, waxaa lagu xukumay min Saddex sano oo xarig ah iyo min ganaax dhan 3 milyan oo shilin Somaliland ah oo wada socda”, waxaa xukunkan soo saaray guddoomiyaha maxkamadda degmada Hargeysa Cabdirashiid Beergeel.

Cabdirashiid Dirir iyo hooyo Jawaahir oo wiilka yar loo xukumay ayaa dareenkooda ka hadlay ayaa sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin xukunka maxkamadda iyo sheegay iney wiilkooda boqolaha ah lagu qabsaday taasina ay dhibaato ku ahayd markii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com