Xog: Wafdi ku fool leh Muqdisho iyo arrin xasaasi oo laga cabsanayo…

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay Ururka Midowga Africa ayaa waxaa lagu sheegay in Ururka uu xubno usoo diri doono magaalada Muqdisho kuwaasi oo ka qeybgali doona doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Somalia.

Warbixinta Ururka Midowga Africa ayaa waxaa lagu sheegay in xubnahaasi ay qeyb ka noqon doonaan Guddiga Doorashooyinka, waxaana warbixinta lagu cadeeyay inay wakiil dhanka doorashooyinka ah u noqon doonaan Ururka Midowga Africa.

Ururka Midowga Africa, ayaa sheegay in xubnaha dhankooda ka imaan doona ay gaari doonaan ilaa laba xubnood kuwaasi oo khibrad wanaagsan u leh howlaha doorashooyinka.

Ambassador Madera oo ah Wakiilka Midowga Africa ee Somalia ayaa isna sheegay in labadaasi xubnood ay kaalin miisaan leh ka qaadan doonaan doorashooyinka Somalia, waxa uuna rajo ka muujiyay inay sixi doonaan haddii ay jiraan khaladaad ku aadan howlaha doorashooyinka Somalia.

Madera waxa uu intaa raaciyay in labadaasi xubnood ay si gaar ah ula shaqeyn doonaan Guddiga Doorashooyinka Somalia ee iminka wada howlaha la xiriira doorashada.

Dhinaca kale, Xubnaha Ururka Midowga Africa u matali doona doorashada Somalia, ayaa la sheegay in dhalasho ahaan ay kasoo kala jeedan wadamada Cameroon iyo Uganda kuwaasi oo maalmaha soo socda soo gaari doona magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com