Xog: Ehellada Xasan oo loo abuuray shirkado ay lacag ku qaataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtiga uu ka dhammaaday ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ilo-dhaqaale u abuuray xubno ka mid ah qoyskiisa, xilli lagu guda jiro waqtigii kala guurka iyo boobka, Caasimada Online ayaa ogaatay.

Wiil ay qaraabo dhow yihiin madaxweynaha, sidoo kale ahna xogheyntiisa oo lagu magacaabo Saadaq iyo gabar madaxweynaha ilmo-adeer la ah oo lagu magacaabo Caasha Baaraxuud ayaa loo abuuray shirkad lagu magacaabo PGM Quality Control.

Shirkadda ayaa la sheegay in shaqadeeda ay tahay hubinta tayada alaabaha kasoo dega dekedda Muqdisho.

Hase yeeshee dad xog ogaal ah waxay Caasimada Online u sheegeen in shirkaddan aysan xitaa haysan qalabkii lagu hubin lahaa tayada, sidaa oo ay tahay ay ganacsatada ka qaadato lacag aad u badan.

Xaaska madaxweynaha Sahra Indha Yar iyo nin madaxweynaha ilmo-adeer yihiin oo lagu magacaabo Cabdullaahi Baaraxuud ayaa iyagana loo abuuray shirkad lagu magacaabo Imperial IT Solutions, oo ka shaqeysa garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Shirkaddan, ayaa la sheegay in la siiyey qandaraaska ku dhufashada fiisaha soo gelista, ayada oo qof walba oo garoonka kasoo degaya ka qaadaneysa lacag 60 dollar ah.

Labadan shirkad ayaa ka madax banaan maamulka dekedda iyo garoonka Muqdisho, waxaana lacagta ay qaataan ay u gaar tahay ayaga.

Inta badan xilliyada dowladuhu waqtiga ka dhammaanayo ayey xoogga saaraan sidii ay dadkooda ugu sameyn lahaayene mashruucyo lacag lagu qaato.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashid ayaa isna sidoo kale horey xilal ugu tixay dad ku beel ah, isaga oo uga faa’iideynaya xilliga kala guurka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com