Xog: Beelaha Hawiye oo ka hor yimid tallaabo ay qaaday EU-da

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan dowladaha Midowga Europe ay dhaqaale dhan 200-million oo dollar ugu deeqen howlgalada AMISOM, ayaa waxaa arrintaasi si caro leh uga hadlay Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad.

Nabadoon Xaad, ayaa sheegay inay aad uga xunyihiin in EU-da ay u kala eexdaan Ciidamada iska barbar dagaalamaaya ee DFS iyo AMISOM.

Xaad waxa uu sheegay in EU-da laga filaayay inay dhexdhexaad u noqdaan Ciidamada, hayeeshee ay miciin bideen in taageeradooda ay ku ekeeyan keliya ciidamada AMISOM oo ay ugu deeqen adduun lacageed dhan 200-million oo dollar oo ay u adeegsanayaan howlgaladooda Somalia.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, waxa uu sheegay in Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ay talaabada noocaasi ah u arkaan mid lagu kala fadilaayo ciidamada DF iyo AMISOM oo safka dagaalka kuwada jira.

”Haddii aanu nahay Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye waxaan cod dheer ku sheegeynaa inaanu cambaareyneyno tallaabada ay EU-da dhaqaalaha ku siisay keliya ciidamada AMISOM”

”Waa nasiib darro in dhaqaale intaa la eg lagu bixiyo ciidamo aan dhaafsaneyn difaacyada dhagxaanta la dhoobay, lacagtaasi waxaa mudnaa in wax laga siiyo ciidamada DF ee har iyo habeen ku dhamaanaya difaaca”

”Ciidamada AMISOM ee sida maalayacniga ah loo siinaayo dhaqaalaha waxaa ka mudan kuwa Soomaalida ee naftooda ku waaya dagaalka, waayo kuwa AMISOM har iyo habeen waxa ay ku jiraan gaadiidka gaashaaman iyo dhufeysyo aan xabadu u gudbeynin”

Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, waxa uu dowlada Somalia ugu baaqay inay xuquuq u raadiso ciidamada ku duruufeysan difaaca kuwaasi oo aan heysan daryeel dowladeed iyo mid Caalami ahba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com