Daawo: Hindiya oo baahisay sawirada Soomaalidii ay dilka ku xukuntay

New Delhi (Caasimada Online) – Sida aan horay u daabacnay Maxkamad ku taalla dalka Hindiyta ayaa xukun dil ah ku ridday 50 Qof oo Soomaali ah kuwaas oo ka mid ahaa 119 Qof oo Soomaali ah oo ay Hindiya sheegtay in ay ahaayeen Burcad Badeed Xeebaha dalkaasi laga qabtay.

Burcad-badeedaani ayaa waxaa lagu soo kala qabtay Afar Howlgal oo ciidamada Badda Hindiya ka sameeyen Xeebaha Hindiya intii u dhaxeysay 2012-2014 ayey ku sheegeen in ay ku soo qabteen Dhallinyaradaasi Soomaalida ah.

Dowlada Hindia ayaa soo bandhigtay Sawirada dhalinyarada la xukumay, waxa ayna dowladu sheegtay inaanu jiri doonin wax cafis ah.

La xukumayaashaani ayaa Sanado badan ku jireen Xabsiyada dalka Hindiya kuwaas oo qaar kood Cudurka Qaaxada ugu dhintay Xbasiyada.
burcadbadeed-1

burcadbadeed-2

burcadbadeed-3

burcadbadeed-4