Xog: Yaa shirqoolay 50-kii dhalinyaro ee India dilka toogasho ku riday

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran xabsi ku yaala dalka India ayaa sheegay in wax lala yeebo ay tahay in xukun aysan ka warqabin ku ridaa maxkamad ku taala dalka India.

Xasan Kaafi Cabdi Jimcaale oo kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee India ku xiran ayaa sheegay in wargeysyada oo kaliya ay ka arkeen xukunka ay ku riday maxkamada ku taala dalka India.

Wuxuu dhinaca kale sheegay in madaxda safaarada India ee kusugan magaalada Mombai iney qaldeen.

Kadib markii ay u sheegeen iney dalkooda kusoo laaban doonaan haddii ay qirtaan dambiyada loo heysto, balse taa badalkeeda waxay ku muteysteen in dil toogasho lagu xukumo.

Wuxuu beeniyay in dhalinyaradaasi ay galeen dambiyo ay ku muteysan karaan in dil toogasho lagu xukumo, maadaama sida uu sheegay difaacayeen badda Soomaaliyeed.

Hoos ka dhageyso

[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/09/India1.mp3″]

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
Caasimadaa@live.com